Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray amarro lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeed ee lagu qabto deegannada maamulkaasi
wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa ku sheegay in la mamnuucayo shirarka Siyaasadeed ee lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi Koofur Galbeed ee kala ah Baay,Bakool iyo Sh.Hoose.
Wasiirka ayaa guddoomiyayaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka maamulka Koofur Galbeed faray in ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqyada ka jira meelaha ay joogaan, cidii ay u arkaan iney amarkan jabineysana ay laamaha amaanka ku wareejiyaan.
“ Ka wasaarad ahaan, shirarka Siyaasadeysan ee dowladnimada lagu dhibaateynayo ma ogolaan doono shirarkaa soo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweyneynaa shir kasta oo dowladnimada ku saabsan” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa dhinaca kale sheegay iney sharciga horgeyn doonaan dad uu sheegay iney fasax la’aan iska qabsadeen shir Siyaasadeed, inkastoo uusan si gaar ah u xusin dadkan.
25-kii bishan magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfurgalbeed, iyagoo ku cambaareeyey talaabadii Dowlada Federalka kula dhaqantay Madaxweynihii hore Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo ay ku tilmaameen oday Soomaaliyeed oo nabadoon ah aadna u dulqaad badan.