Somali News

K/Galbeed oo shaacisay tirada dad loo soo qabtay kiiska carruurtii dhawaan la dilay

Baydhaba-KNN-Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaano xoog leh oo la xiriira dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa dhawaan loo geystay, kuwaas oo maydkooda laga helay duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, sidoo kale waxaa la shaaciyey tirada dad loo soo qabtay kiiskaas.

Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in falkaas loo soo qabtay ilaa lix qof oo ku eedeysan, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor geyn doono.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaas ay baaritaano ku socdaan, sidoo kalena ay jiraan shakhsiyaad kale oo ay ku raad joogaan, waxuuna balan qaaday in dadaal xoog leh ay ka wasaarad ahaan ku bixin doonaan, sida ay dhibanayaashu cadaalad u heli ahaayeen.

Ugu dambeyntii wasiirku waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed ka codsaday inay ku garab istaagaan ka gun gaaridda kiiskaas, si ay cadaalad u helaan ehellada dhibanayaasha oo uu ugu horeeyo Aabaha dhalay caruurtii la dilay Sheekh Aweys.

Todobaad ka hor ayuu falkaas oo aad looga argagaxay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, waxaana Jimcihii la soo dhaafay masaajidda magaalada Baydhabo looga hadlay khudbaddii salaadda Jimcaha.