Diinsoor-KNN-Saraakiisha Ciidamada Booliiska ee maamulka K/Galbeed ayaa sheegay in howgal ay ka sameeyeen deegaano hoosyimaada degmada Diinsoor ay ku soo furteen maxaabiis u xirnaa muddo dheer dagaalamayaasha Al-shabaab.
Kuwaas oo loo haystay inay bixiyaan lacago iyo hub Al-shabaab ay ku dagaalamaan sida uu sheegay taliyaha Ciidamada Booliiska ee degmada Diinsoor ee maamulka K/galbeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiista ay soo furteen in tiradooda ay gaareyso 10 ruux kuwaas oo Al-shabaab ay ku haysteen deegaano hoosyimaada gobolka Bay.
Taliska Ciidamada Booliiska ee maamulka K/Galbeed ayaa balan qaaday in sii wadi doonaan howgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab waxaana Ciidamada kale ay ugu baaqeen in ay laba jibaaraan dagaalka looga soo hor jeedo kooxda Al-shabaab.