Somali News

K/Waqooyi oo shaacisay inay u diyaar garowday dagaal iyadoo tayayneysa Nukliyeerkeeda

Pyongyang-KNN-Madaxweynaha dalka Kuuriyadda waqooyi Kim Jim Un ayaa ku goodiyay inuu kordhin doono bacriminta hubka Nukliyeerka ah ee dhanka ciidamada.

Mar uu ka hadlayay shirka golaha wakiiladda dalkaas ayuu sheegay inuu aaminsanyahay in cadawga ugu weyn ee xilligaas dalkiisu leeyahay uu u arko dalka Maraykanka sidaa darteedna ay kordhinayaan tirada iyo tayada Nukliyeerkooda si ay iskaga difaacaan haddii weerarka kaga yimaado dhanka Maraykanka.

Waxaa uu sheegay in qorshaha lagu dhisayo warshado hor leh oo lagu tayeeyo hubka ay hadda soo gabogabeeyeen waxaana uu intaa ku daray inay ka go’an tahay inay sameystaan Nukliyeer awood leh oo dhamaystiran.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay qorsheeyeen inay dhamaystirka samaysashada gantaalaha ridada dheer iyo kuwa ridada dhexe ee maraakiibta dagaalka laga dul ridi karo kuwaasoo qaadi kara madaxda Nukliyeerka.

Mar uu soo hadal qaaday isbadalka dhanka madaxda ah ee Maraykanka waxaa uu sheegay inay jirin wax rajjo ah oo uu ka qabo in isbadal ku yimaado siyaasadda Maraykanka ee gobolka.