Muqdisho-KNN-Iyadoo uu habeen danbe jiro kulanka ugu wayn kubada cagta ee loo yaqaaano El Clasico ee aalaaba dhex mara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ka hor kulankaasi waxaa lasoo saaray shax is ku dhaf ah oo ciyaartooyda labada kooxood laga sameeyay.
Wallow ciyaartooyda ugu badan shaxdaan ay kuleedahay kooxda hanashada La Liga isbuuciii lasoo dhaafay u dabaal dagtay iyadoo uu horyaalka kulamo ka harsanyahy waa kooxda Barcelona oo aan xagagan horyaalka laga badin, hadana natiijada kasoo baxda kulankan waxay noqon kartaa mid xifaaltanka labada kooxood sare usii qaada.
Shax 4 3 3 ah ayaa loo magacaabay ciyaaryahanada isku dhafka labada kooxood
Goolhaya shaxdaan waxaa loo magacaabay shabaq ilaaliyaha kooxda Barcelona xagaagan ku hogaamiyay La Liga ciyaaryahan Ter Stergen.
Dhanka daafacyada waxaa lasoo xushay daafac midig kooxda Barcelona maadaama uu dhaawac kulanka ku seegayo daafac midig ee Real Madrid Ciyaaryahan Carvajal, Ciyaaryahan Sergio Roberto ayaa midg loo xushay , labada daafac ee dhexe waxaa lookala qaaatay ciyaaryahanada kala ah Gerard Pique iyo Sergio Ramos, halka daafac bidix loo adeegsaday shaxdaan ciyaaryahan Jordi Alba.
Qadaka dhexe waxaa shaxdaan lo qaatay sadaxda ciyaaryahan Sergio Busquets iyo Andres Iniesta oo kawada tirsan Barcelona iyo ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Real Madrid ciyaarhan Luka Modric.
Ugu danbeen weerarka sadax aflaha ah shaxdaan waxaa loo soo qaatay ciyaarayahanada kalaha ah Lional Messi iyo luis Suarez oo baarca weerarka ugu ciyaara iyo dhaliyaha Real Madrid Cristiano Ronaldo.
Hadaba waa tan shaxda oo dhameestiran.
Ter Stergen, Sergio Roberto, Gerard Pique, Sergio Ramos, Jordi Alba, Sergio Busquets Andres Iniesta, Lional Messi, luis Suarez, Cristiano Ronaldo.