Sports

Kabtan Ramos oo wax ganaax ah la kulmi doonin kadib markii uu istaagay kursiga keydka kooxdiisa

Muqdisho-KNN-Xariirka kubada cagta ee UEFA ayaa ka hadlay arin muran badan dhalisay oo uu sameeyay Captanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos,  kaas oo gudaha u oo soo istaagay kursiga keydka kooxdiisa kulankii u dhaxeeyay Real Madrid iyo Juvantus lugta labaad champion league.

Kabtan Real Madrid ayaa jaale ama calaamada digniinta ah qaatay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Juventus lugta hore wareega quarter final-ka, waxeyna aheyd inuu seego lugta labaad isagoo fadhiistay garoonka qeybta kore ilaa daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta, markaas oo soo istaagay kursiga keydka kooxdiisa.

Sergio ayaa is celin waayay oo soo dagay, waxaana laga keenay muran ah in la ciqaabo maadama uu soo dagay, balse haatan UEFA waxey xaqiijisay inuusan wax xeer ah ku xadgudbin Sergio.

Sharciga UEFA wuxuu qorayaa xidigii garoonka gudaha u gala in la ciqaabi doono, sidii ku dhacday Xabi Alonso kaas oo isagoo ganaaxan final-kii Champions League 2014 gudaha garoonka u galay si uu goolasha kooxdiisa ugu dabaal dago, waxaana lagu ciqaabay kulan dheeri ah.

UEFA waxey qirtay inuusan Ramos gudaha garoonka usoo galin balse uu taagnaa kaliya qeybta badalka kooxdiisa, loona ogol yahay – sidaas darteed xeerka ayaa cafinaya mana mari doono wax ganaax ah.