Uncategorized

Kalfadhiga 2aad Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la soo xiray”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Kalanka Maanta Mudanayasha Golaha Shacabka ay yeesheen Xarunta Golaha ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, Mudanayaasha Kulankaan Soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 173 Mudane

Ajendaha Kulanka manta:
1. Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
2. Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaaha Shacabka
3. Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka u abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka

Mudanayasha ayaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo Arrimaha Dastuurka

intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Sahqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla