Somali News

Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo maanta Muqdisho ka furmaya

Muqdisho-KNN-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu qabto Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka qayb-galaya mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo Kalfadhiga 5aad waxaana ka qayb-galaya mas’uuliyiin Baarlamaan oo ka socda maamul Gobaleedyada Soomaaliya kuwaas oo lagu marti qaaday Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa la baarayaa gaadiidka isticmaalaya wadooyinka furan si ka duwan sidii hore.

Munaasbadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ayaa gaar u ah Aqalka Hoose oo kaliya waxaana ka maqan Aqalka Sare. Wali waxaa taagan Khilaafka u dhaxeeya labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliay.