Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah lagu waday inuu ka furmaya Kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed,iyadoona uu baaqday kulankaasi, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN gobolka bay.
kal-fadhigan ayaa waxaa uu yahay kii ugu dambeeyey maadaama Golaha Wakiilada waqtigooda uu dhamaaday, islamarkaana uu ku egyahay 1-da Bisha December ee Sanadkaan 2019.
Sababta uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay kadib markii la isku fahmi waayeen mudo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya, kadib markii xalay ilaa iyo maanta kulamo looga hadlayo arintaasi ay ka socotay Magaalada Baydhabo, iyadoona la isku afgartay in la kala diro Golaha wakiilada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo weli ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaa ayna halkaasi u tageen inay ka qeyb galaan kulanka Golaha wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya, hayeeshee uu maanta baaqday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho


