Muqdisho-KNN- Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Munaasabada furitaanka ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana Waxaa uu khudbad ka horjeedin doonaa mudanayaasha labada Aqal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay khudbadiisa kaga hadli doonaa Xaalada Soomaaliya,iyo Mudo ay jirto dowlada Federaalka uu hogaamiyo waxyaabaha u qabsoomay.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa ku jiray fasax laba bilood ah,Balse Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horay warqad uu soo saaray waxa uu ku Shaaciyay in 10 Bishan Septemberuu furmayo kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.