Uncategorized

Kalfadhiga Golaha Shacabka oo Maanta lagu soo xirayo Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wadaa in lagu soo xiro Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka,waxaana Kulanka Maanta soo xaadiray 173 Mudane.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana ka qeyb galay Guddiyada Qaabilsan Dib u Eegista Dastuurka oo Xildhibaanada ka horjeediyay Qudbado kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiri doona Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka,waxaana uu jeedin doonaa Qudbad ku aadan wixii u qabsoomay Golaha Shacabka Labadii Kalfadhi ee la soo dhaafay.