Uncategorized

Kalfadhiga Labaad Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta la soo xirayo

Muqdisho–KNN– Maanta oo Sabti ah 16-ka December waxaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho lagu soo xiro Kalfadhiga Labaad Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xiritaanka Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka waxaa ka qeyb galaya sida Qorshuhu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaanada ka horjeedin doona Qudbadda Xiritaanka Kulamada Baarlamaanka.

Labadii Kalfadhi ee Baarlamaanka Tobnaad ay yeesheen ayaa lagu Meelmariyay Sharciyo Muhiim ah oo la horkeenay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale waxaa Saakay aad loo adkeeyay Ammaanka Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Munaasabadda Xiritaanka Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka.