Uncategorized

Kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN- waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmo kalfadhiga sadexaad ee labada Gole  Baarlamaanka Soomaaliya.

dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye  ayaa lagu wadaa in ay isugu tagaan xubnaha Aqalka sare iyo kuwa Golaha shacabka , waxaan sida sharciga ah kalfadhiga Baarlamaanka furaya madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo ka badan labo bilood waxaa ay ku jireen fasax iyagoo qaarkood booqday gobolada dalka lana soo kulmay shacabka ay matalaan.