Somali News

Kalluun kala duwan oo laga digay inuu ka dabar go’ayo Somalia

Kaluumeysatada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ka digay inuu nabaad guurayo noocyo kamid ah kalluunkii halkii ku noolaan jirey.

Kalluumeysatada ku nool degmada Eyl, ayaa sheegaya in badda laga la’yahay noocyo ka mid ah kalluunkii lagu yaqaanay, oo ay ka jalaaban jireen dadka halkaasi ku nool.

Caasho Cabdikariin (Caasho Eyl) oo 30-kii sano ee u dambeysay ka shaqeysanaysay kaluunka, ayaa sheegtay noocyada kalluunka ee laga waayay.

Noocyada la waayey ayey Caashu ku tilmaantey iney kamid yihiin kuwan soo socda sida Libaax cadka, Miishaarka, Maafooska, Lug Cadda, Caweer iyo Nibiraanka.

Kalluumeysatadu waxay arrintaasi u aaneynayaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ahi uga kalluumeysto badda, kuwaa oo sida ay sheegayaan xaalufinaya badda.

Kaluumeysatada Soomaaliya ayaa ku eedeeyey iney jiraan maraakiib xaalufin ku haya kheyraadka ku jira badda, inkastoo iyaguna lagu eedeeyey iney falal burcad badeednimo kulug leeyihiin.

Ma jiraan ciidan bad oo ay leedahay Soomaaliya, oo si buuxda u ilaalin karo xuduudaha badda, taasoo keeneysa in maraakiib ay si sharci daro kusoo galaan biyaha.

Dalka Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Africa, inkastoo haddana ay yar tahay ka manaafacaadsiga kheyraadka balaaran ee badda baaxaddaas leh ku jira.

BBC Somali