Somali News

Kalumeysato Soomaali ah oo lagu la’yahay Xeebaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah oo la helay.

Muqdisho-KNN-Guddiga Kaluumeysatada Magaalada Muqdisho ayaa KNN u sheegay in Dhalinyaro Kaluumeysato ah oo Bishii April ee sanadkaan lagu waayay Xeebaha Magaalada Muqdisho, raadin dheer kadib la ogooday in lagu heesto dalka Sri Lanka oo laga qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Saddax ka mid ah Kaluumeysatadii maqneed la ogaaday iney joogaan Dalka Sri Lanka waxaana la soo dhigay Baraha Bulshada Islamarkaana xariir lala sameeyay Dowladda Sri Lanka ay sheegtay iney heyso dadkaasi.

Wali waxaa maqan Kaluumeysato kale kuwaas oo aan ilaa hadda la xaqiijin Karin halka ay ku dambeeyaan Ilaa bishii April ee sanadkaan xiligaas oo ay badda aad u kacsaneed oo lagu waayay Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Sri Lanka ayaa la sheegay iney kawada hadleen Kaluumeysatada la sheegay iney joogaan dalkaasi oo lagu weysanaa Xeebaha Soomaaliya lama shaacin Dowladda Sri Lanka ay qabatay iyo iney ku Caariyeen Xeebaha Wadankaasi.