Uncategorized

Kaluumeeysatadda Mudug oo ka walaacsan Maraakiib shisheeye oo xaalufin ku haaya badda Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Kaluumeeysatadda gobolka Mudug ayaa ka Cabanaya Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen in ay Xaalufinayaan badda Soomaaliya islamarkaana ay ka hortaagan yihiin in ay Jilaabtaan.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib ay leeyihiin Dowladado shisheeye oo ka mid ah Isbaheeysi Caalami ah oo la dagaalama Burcad Badeedda Soomaalida, kuwaas oo horay afduub ugu geeystay Maraakiib Ganacsi iyo Doomo dalxiis.

Waxaa lagu eedeeyay Maraakiibta caalamiga ah ee jooga Biyaha Soomaaliya in ay dhaafeen Shaqadii Burcad la dagaalanka, oo ay billaabeen in ay si sharci darro ah uga kaluumeeystaan Biyaha Soomaaliya.

Salaad Maxamuud Maxamed oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Iskaashatadda kaluumeeysatadda Gobolka Muduga ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Maraakiibta ugu badan ee sida daran u xaalufiya biyaha Soomaaliya laga leeyahay Dalalka Shiinaha, Spain, Iran iyo Yamen.

Inta u dhexeysa Tuulooyinka Xeebaha Mudug ku yaala ee Faax iyo Daan-cad ayuu sheegay in ay Kaluumeeysiga ugu badan ka sameeyaan  Maraakiibta Ajanabiga ah.

“Astaamaha Muujinaya in maraakiibta Kaluumeeysiga lagaleeyahay Dalalka Afarta ah ee Shiinaha, Spain, Iran iyo Yemen waa calamadda ay wataan” sidaas waxaa yir Salaad Maxamuud.

Masaafo dherer ahaan Xeebta u jirta 14 mile illaa 150 mile ayuu sheegay in ay Marakiibtu ka jilaabtaan.

Salaad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay shireen Dadka Deegaanka iyo Kaluumeeysatadda oo ay ka tashadeen wixii ay ka yeeli lahaayeen Maraakiibta ay ka cabanayaan, wuxuuna intaas ku daray in ay ka baqeen in Burcad-badeednimo loola Dagaalamo haddii ay isku dayaan in ay Gacan kala hortagaan Maraaakiinbta shisheeye.

Ma ahan markii u horreeysay oo ganacsatadda Soomaaliyeed ay Cabasho ka muujiyaan Maraakiib iyo Doomo shisheeye oo Biyaha Soomaaliya ka kaluumeeysta.

Dowladda Soomaaliya awood uma lahan in ay tilaabo ka qaado kaluumeeysatadda shisheeye ee kuwa maxaliga ah ay ka cabanayaan.