Somali News

Kaluumeysato u dhashay Hindiya oo laga deyriyay xaaladooda nololeed

Warar ay daabaceen warbaahinta hindiya ayaa waxaa lagu sheegay in Xaalada 8 kalluumeysato oo kasoo jeeda ismaamulka Tamil Nadu ee Hindiya kuna go’doonsan magaalada Berbera ee Somaliland ay liidato xaaladooda nololeedka , islamarkaana ay doonayaan in dib looga celiyo dalkooda..

Kaluumeysatadan dhibaateysan ayaa waxay kala yihiin; Chithravel 27-jir, Viswanathan 47-jir, wiilkiisa Cheran 22-jir, Muthukrishnan 28-jir, Manimaran 34-jir, Prabhu 27-jir iyo Suresh oo 35-jir, Sidda uu daabacay Hindu Tamil

Dhibaatooyinka haysta ayaa la sheegay in ay kamid yihiin cunto iyo hoy la’aan isla markaana ay la daalaadhacayaa xaalado ka dhashay Coronavirus.

Dhaqdhaqaaqa u dooda xuquuqda kalluumeystada Tamil Nadu oo dowladda dhexe ee Hindiya waydiistay  in ay soo badbaadiso xirfad-layaashaasi ayaa tilmaamay in ay Somaliland ku tageen qandaraas ay la galeen shirkad.

Deeran Thirumurugan, oo ah qareen u doodaya shaqsiyaadkaas, ayaa sheegay in shaqooyinkooda uu curyaamiyey safmarka Coronavirus.

https://www.hindutamil.in/news/tamilnadu/569555-families-seek-centre-state-intervention-in-releasing-8-fishermen-caught-in-somalia-1.html