Uncategorized

Kaluumeysto Iiraan ah oo laga sii daayay xabsi ku yaala Puntland

Boosaaso-KNN-Kaluumeysato u dhalatay dalka Iiraan oo ku dhawaad sanad ku xirnaa magaalada Boosaaso gobolka Bari ee  Puntland ayaa maanta la sii daayay.

Maxkamada darajada koobaad ee Puntland ayaa maanta siideysay ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo kaluumeysato ahaa una dhashay dalka Iiraan oo horay loogu xukumay sanado xabsi ah iyo lacago ganaax ahaa.

Maxkamada ayaa maanta caddeysay in maxaabiistaas u dhashay dalka Iiraan dib loo sii daayay, kadib markii horay loogu eedeeyay in si shrci daro ah ay ugu jalaabteen xeebaha deegaanada Puntland.