Muqdisho-KNN-Dowladda Kanada ayaa waxa ay ka hadashay deeqaha ay siiso dowladda Soomaaliya. Wasiirka socdaalka Kanada mudane Axmed Xuseen ayaa la hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in dowladda Kanada ay sanad walba siiso Soomaaliya lacago aan tiro yareyn.
Wasiir Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ku kalsoonyihiin hab maamulka lacagahan, ayna sii joogteyn doonaan bixinta lacagtan.
Wasiirku kamuusan hadal taageeradii dhawaan ay Soomaaliya ufidisay Sucuudiga oo Kanada liddi ku aheyd, kama aysan muuqan jawaab celin arintaa ay ka bixineyso Kanada.