Somali News

Karaash oo buriyay shaqa joojin lagu sameeyay Taliyaha Booliska gobolka Nuugaal

Garowe-KNN-Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal, waxa uu u fasaxay shaqadiisa  kadib markii saacado ka hor uu shaqada ka joojiyay S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Puntland.

Gen. Muxiyadiin ayaa Shaqa joojintii uu horay ugu sameeyay Taliyaha goboplka Nuugaal ee Puntland waxa uu u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir.

G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Nugaal, ayaa sidoo kale ah Taliyaha ciidanka PSF-ta Puntland ee gobolka Nugaal.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo buriyay shaqa joojintaas ayaa Taliyaha ciidanka maamulka Booliiska waxa uu ku amray in 24 saac gudahood uu ku soo galo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, lama oga sababta uu Axmed Karaash ugu yeeray taliyaha guud ee Booliska Puntland.