Sports

Keita Balde ayaa suurtogal ah inuu ku laabto Serie A

Muqdisho-KNN-Sky Sport ayaa kusoo waramaysa in ciyaaryahan Keita Balde kusoo laban karo horyaalka Italian Serie A isagoo bartilmaameed u ah macalin Luciano Spalletti ee kooxda Inter.

Nerazzurri ayaa ahayd koox haminaysay xiligii uu joogay Lazio xidgan, hadda ayuu markale codsaday macalin Spalletti in loo krrno xidigan Keita, Inter ayaana wadahadalo la bilowday Monaco si xidigan ay uga soo qaadato heshiiska ayaa raaci kara xidiga Inter ee Antonio Candreva si uu qayb uga noqdo heshiiskan.

Tani waxay noqon kartaa heshiis isku bedelasho amaah ah oo ay tahay Candreva suurto gal ah in uu qeyb ka noqdo heshiiska u dhaxaynaya kooxahan, sida wargayska Gazzetta dello Sport uu daabacayo.

Kieta ayaa ku riyaaqay waqtigiisa Monaco, waxa uu dhaliyay 16 gool seddex kalana caawiye ayuu ka ahaa xilli ciyaareedkii hore.