Muqdisho-KNN-Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways oo qorshaheedu uu ahaa in ay Muqdisho Duulimaad ka Biloowdo 15kii November aya markii dambe waxaa dib loogu dhigay maanta oo Arbaco ah, hase ahaatee ma aysana Suurta galin.
Duulimaadka Tooska ah ee Kenya airways ee Muqdisho ayaa loo arkayay tilaabo horumarin karta xiriirka Ganacsi ee Labadda Dal.
War uu soo saaray madaxa Kenya Airways Sebastian Mikosz ayuu ku sheegay in Diyaaraddu ay Soomaaliya u soo duuli doonin ilaa ogeysiis dambe ayna wajahayaan dib u dhac hor leh uu ku aadan “Shuruudo dheeri ah ee shaqadda”, sidaasna waxaa baahiyay Wargeyska Daily nation.
Qorshuhu waxaa uu ahaa in Duulimaadku uu ku biloowdo maanta oo Arbaco ah in Kenya airways ay kasoo Duusho Nairobi 7:40 subaxnimo si ay muqdisho uga soo degto 9:55 daqiiqo.
Sidoo kale waxaa la qorsheeyay daah-fur kadib in ay Muqdisho duusho 10:45 Daqiiqo ee Subaxnimo si ay Nairobi ugu laabato 1:00 duhurnimo.
Wasiirka Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omar ayaa Bishii hore Idaacadda kulmiye u sheegay in Diyaarado Caalami ah ay soo codsadeen in ay Soomaaliya ka shaqo ilaabaan, kuwaas oo ay ugu soo horeeyso Kenya Airways iyo kuwo kale oo ay ka mid tahay Qatar Airways


