Muqdisho-KNN- Sharkadda Kenya Airways, ayaa maanta si rasmi ah waxaa ay u bilaabi doontaa duulimaadkeeda ay ku kala bixinayso Magaaalada Muqdisho iyo Nairobi.
15kii Bishii November ee la soo dhaafay ayuu qorshaha ahaa in diyaarada Kenya Airways ay duulimaadkeeda ka bilaabo Magaalada Muqdishi, hayeeshee dib u dhac uu ku yimid.
Saraakiil ka tirsan waaxda duulista hawada soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyay in Maanta ay shirkada Kenya Airrways Muqdisho ka bilaabi doonto duulimeed diyaaradeed.
Sidoo kale Shalay waxaa hadalkan sheegay Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz.
Diyaaradaha Kenya Airways ayaa la filayaa in 2 duhurnimo ay ka soo degto garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.