Uncategorized

kenya” ku dhawaad 30 dagaalame oo shabaab ah ayaa ku dilnay duleedka Baardheere”

Baardheere-KNN-Howgal Milatari oo ay si wadajira isaga kaashadeen ciidamada Kenya iyo Ciidamada Xoogga  Soomaaliya ayaa lagu qaaday Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen meel ku dhaw deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo.

Sida uu qoray Wargeeska The Standard ee dalka kenya kasoo baxa weerarkan ay sida wajirka ah uqaadeen ciidamada Kenyanka ah iyo kuwa Soomaalida ayaa waxaa lagu dilay 23-kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab.

Weerarkan ayaa waxa uu daba socday weearar kale oo Alshabaab ay wadada ugu galeen kolonya kamid ciidamda Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo.

Dagaalkan oo socday Muddo 4 Saacadood ayaa waxaa la isu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, ciidamada Kenya waxa ay sheegtay in ay dileen 23 Alshabaab katirsan balse dhankooda ma aysan caddeyn Khasaaraha kasoo gaaray dagaalkan .

Dagaalkan ayaa waxaa dhaawac fudud oo dhanka garabka ah uu kasoo gaaray Gudmoomiyaha Deegaanka Fax-Faxdhuun sida uu isagu u xaqiijiyay warbaahinta.

Ilaa iyo Hadda Alshabaab wax war ah kama aysan soo saarin weerarkan la sheegay in lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Gedo.