Somali News

Kenya” lama gaarin waqtiga ay ciidankeena ka baxayaan Soomaaliya”.

Muqdisho-KNN-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in aan la gaarin waqtigii ay ciidamadeeda jooga Soomaaliya qaybtana ka ah kuwa Amisom ay dalka iskaga bixi lahaayeen xilli uu ay sii kordhayso xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxaysa labada dal.

Sida uu daabacay wargayska the Standard ee kasoo baxa dalka Kenya taliye sare oo katirsan militariga dalka Kenya ayaa sheegay in joogista ciidamada Kenya ee Soomaaliya iyo muranka labada dal ee badda aysan ka dhaxeenin wax xiriir ah.

Taliyaha ciidamada Kenya qaybtana ka ah kuwa Amisom gaar ahaan xarunta ay ku leeyihiin magaalada Kismayo ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid xoogan. 

Waxaan si wanaagsan ula shaqeenaa ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom mana ogi wax haatan nagu qasbaya in aanan dalka iskaga baxno ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha.

Ujeedka aan Soomaaliya ujoogno waa in aan shacabka Soomaaliyeed ka caawino sidii dalka loogu soo dabaali lahaa  amni iyo kala dambeen ayuu taliyaha hadalkiisa sii raaciyay.

Bartimihii bishii Febaraayo ee sanadkan ayay ahayd markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in ay London ku xaraashtay qaybo kamid ah  xermooyin shidaal oo laga helay qaybta ay ka sheegato badda Soomaaliya.

Wixii waqtigaasi ka danbeeyay dowlada Kenya ayaa qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo aad xasaasi ah waxaana kamid ahaa uyeeradii safiirkeedii Muqdisho, weecinta duulimaayadii Nairobi, iyo tii ugu danbeesay oo ahayd in masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya loo diiday dal ku galka Kenya.  

Siyaasiyiin iyo xilibaano katirsan dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan soo jeediyay in dalka laga saaro ciidamada Kenya qaybtana ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom iyadoona haatan Kenya ku doodayso in aanan lagaarin waqtigii ay ciidameeda ka bixi lahaayeen Soomaaliya.