Uncategorized

Kenya oo Abaal marin lacageed dul-dhigtay Nin Shabaab u qora Dhalinayrada u dagaalanta.

Kenya-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in abaal marin lacageed oo dhan Sh 2 million oo lacag Kenya ah la siin doono qofkii soo sheega Warbixin ku saabsan Nin la sheegay in kooxaha argagaxisada ah u qaro dhalinyaradda yar yar ee ka bar-bar dagaalama Ururka Al-Shabaab.

Booliska Kenya Ayaa Ninkan Magaciisa Waxaa ay ku Sheegeen Maxamed ibrahim Maxamed,Waxaana lagu eedeeyay in uu dhallinyaro u qorayo shabakadaha argagixisada iyo xagjirnimada ee ka dagaalama gudaha wadanka Kenya.

Horey Booliska Wadanka Kenya ayaa Waxaa ay lacagta la duldhigay  laba nin oo walaalo ah,oo lagu kala magacaabo  Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu, kuwaas oo ku lug lahaa afduub iyo toogashada Shaqaalaha Dadweynaha  ee ka shaqeenaayay PS Mariam El Maawy,maadaama la sheegay in Ragan ay Inta Badan Caawiyaan Al-Shabaabka ka  Dagaalama Gudaha Wadanka Kenya..

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay dadaal badan ku bixinaysaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ka Dagaalama Gudaha Wadanka Kenya,inkastoo Mudooyinkii Dambe Heegan Buuxa La Geliyay Ciidamada Booliska Kenya,Si ay ugu hortagaan Weerar kasta oo ka horyimaada  Ururka Al-Shabaab.