Muqdisho-KNN-Wargeeyska Daily Nation e Kenya klaga leeyahay ayaa waxaa uu ka waramay Askar katirsan ciidanka Kenya oo soomaaliy aku lumay Sanadkii 2011kii, ilaa iyo hadana Doowladoodu aysan ogaan Raq iyo Ruux.
Aroor ay taariiqdu ku beegneeyd 24kii July ee Sanadkii 2011kii Sadax Askaroi oo ka tirsan Ciidanka Militry-ga Kenya ayaa Sahay u qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaala Xuduudda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, markaasna waxay ka lumen wadadii ay ku joogeen iyagoo gudaha Soomaaliya soo galay.
Kaaliyihii Wasiirkii Difaaca Kenya Joseph Nkaiserry ayaa waxa uu baarlamaanka ken ya u sheegay in Sadexda Askari ee kala ahaa Said Abdulaziz Haji oo ahaa Darawalkii gaariga ciidanku wateen, Jonathan Kipkosgei Kangogo iyo Evans Mutoro ay 60 KM ugaha Soomaaliya soo galeen kadibna ay wadada u galeen Ciidanka Soomaaliya.
Nkaiserry ayaa mar uu ka hadlay Ciidanka Maqan intii uusan dhiman ka hor waxaa uu sheegay in Said Abdulaziz Xaaji ay Ciidanka Soomaaliya ay Dhigoo Kenya kusoo wareejiyeen hase ahaatee Kangog iyo Mutoro ay baxsadeen iyagoo ka baqay in ay galaan Gacmaha Cadowga.
Labada Askari ee maqan ayaan war laga helin ilaa iyo hadda.
Goor dambe ayaa la ogaaday in ;labada Askari ay gacanta u galeen Al-shabaab oo Xilligaas 2011kii Bilaabayay Weeraradooda Kenya ay ka geeystaan.
Labadaas Askari waxay Noqdeen Maxaabiis Dasgaal kuwii ugu horeeyay ee dhexmaray Al-shabaab iyo Kenya.
Lababilood kadib 2011kii markii Ciidanka Kenya ay galeen gacanta Al-shabaab ayaa Guuto ka tirsan Ciidanka waxay gudaha usoo galeen Soomaaliya, Ujeedadana Dowladda Kenya ay ku sheegtay in ay ka hortageyso khatar uga timid Al-shabaab.
Wargeeyska Nation ee Warkaaan Qoray waxaa uu sheegay in Todobo Sano kadib aan Dowladda Kenya iyo wasaaradda Difaaca aan middna laga heeyn war kusaabsan Nolosho Askarta Maqan.
Walaaca ay qabaan Qoysaska ay kaqaanyihiin Askarta waxaa laawadaaga Qoysaska Askartii Kenya looga dilay Weeraddii Al-shabaab ay ku qaadeen Kulbiyoow iyo Ceel cadde oo Dowladda Kenya aysan Run ka sheegin Tiradda Askarta Dagaaladaas kuga dhimatay.


