Uncategorized

Kenya oo baadi goobeysa nin gubay Kaniisad una soo baxsaday Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay magaca iyo sawirka nin ay ku sheegeen inuu ka tirsan ururka Al-Shabab kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu dab qabadsiiyay kaniisad ku taala dalkaasi.

Ninka ay booliska Kenya baadigoobayaan magaciisa waxay ku sheegeen Anthony Mbele Munyasya  Al-Shababna waxaa looga dhex yaqaan Ilyaas Cabdalla.

Warar dhinaca sirdoonka ah oo ay booliska Kenya shaaciyay waxaa lagu sheegay in Ilyaas uu Al-Shabab ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2014 waxaana uu ka mid ahaa koox weerartay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu eedaynayo ninkaan la raadinayo waxaa ka mid ah inuu mar gubay kaniisad ku taala degaanka  Kitui la yiraahdo oo ku yaala bariga magaalada Nairobi.

Booliska Kenya waxay aaminsanyihiin in Ilyaas Cabdalla oo ka baxsday xabsi uu ku xirnaa uu usoo baxsaday dhanka Soomaaliya waxaana ay sheegeen inuu yahay sargaal aad u tababaran oo ka baxsaday dhawr hawlgal oo la isku dayay in lagu qabto.

Dawlada Kenya ayaa dhawr jeer soo bandhigtay shaqsiyaad dalkeeda kasoo jeeda oo Al-Shabab ku jira.