Somali News

Kenya oo baadi goobeysa xubna doonaya in weeraro argagaxiso ay ka geystaan dalkaasi.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa soo bandhigay xog ku aadan in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay gudaha dalkaasi ku jiraan ayna suuro gal tahay in ay qorsheeynayaan weeraro dhiig uu ku daato oo ay ka fuliyaan magaalooyinka waa wayn ee dalkaasi.

Waxaa ay usoo bandhigeen shacabka magacyada ilaa sadax ruux oo ay baadi goob xoogan ugu jiraan waxaana ay ku kala sheegeen  Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed kuwaa oo dhamaantood ah muwaadiniin Kenyan ah.

Booliska Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay si deg deg ah ula soo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira seddexdaan xubin si ay ugu suurta gasho in lasoo qabto ama la dilo.

Wargeyska laga leeyahay dalka Kenya ee Daily Nation ayaa qoray in seddexdaan dagaalyahan ee ka tirsan Al-Shabaab fikradda xagjirnimada ah looga dhaadhacsiiyey magaalooyinka Mombasa iyo ismaamulka Kwale.

Booliska Kenya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay seddexdaan dagaalyahan xiriir dhow la leeyihiin Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif oo ah wadaado Muslim ah oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa horey u sheegay inay duqeyn ku dileen Rogo sanadkii 2012 halka Axmed uu weli ku jiro dadka ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka aargudato.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey digniino ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya waxayna taas keentay in heegan buuxa la geliyo laamaha Ammaanka si looga hortago falalka argagixisanimo oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.