Somali News

Kenya oo baaris ku wadda dad Shabaabnimoo lagu tuhmay

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay baaris ku wadaan sedex qof oo ay uga shakisanyihiin in ay Shabaab ka tirsanyihiin.

Waaxda danbi baarista Kenya ayaa sheegay in sedexdan qof laga soo qabtay Waqooyi bari ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaan hoostaga magaalada Mandheera.

Sedexda qof ee baaritaanadu ku socdaan waxaa ku jirta gabar ay ciidanku sheegeen in ay hubka u qarin jirtay labada ragga ah ee lala soo qabtay.