Uncategorized

Kenya oo Ciidamo Booliis ah udiyaarisay amaanka Nairoobi.

Nairobi-KNN-Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo ka badan gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamao kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya.

Kangethe Thuku oo ka mid ah saraakiisha Booliska Dowladda Kenya ayaa sheegay in magaalada amnigeeda si gaar ah loogu xilsaaray 2,000 oo Askari.

Ciidankaas ayuu sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada, Hoteellada, Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamadaas loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin.