Booliska Kenya ayaa sheegay inay soo qabteen sedex qof oo ay sheegen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab kana danbeeyeen gowraca afar qof oo ay ku dileen magaalada xeebta dhacda ee Lamu.
Taliyaha booliska Lamu Larry Kieng ayaa sheegay in sedexdaasi qof laga soo qabtay degaanka Witu kadib weerarkii Al-shabaab ay ka geesteen todobaadkii tagay.
“waxaan gacanta ku haynaa sedexda qof ee Al-shabab ka tirsan oo weerarkaasi dilka ka danbeeyay waxana kusoo qabanay sidoo kale qoryihii ay wateen”ayuu u sheegay Larry Kieng wakaalada Shinwaa.
Booliska iyo dad degaanka ah ayaa waqti hore sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo aad u hubaysan ay gudaha u galeen xafadaasi ayna gowracen afar rag oo dadka degaanka ka tirsanaa.
Taliye Larry Kieng ayaa shaaca ka qaaday weerarka kadib in booliska ay sameeyen howlgalo dadkaasi ay ku baadi goobayeen midaasi oo surta galisay in ragaan gacanta lagu soo dhigo