Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wada hadallo u dhexeeya Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo siyaasiga Cabdi Naasir Seeraar ay maanta ku yeesheen Magaaladaasi.
Gudi dhex dhexaadin ah ayaa maalmahan Ku howlanaaa sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Jubbaland ee bilo ka hor Ka dhacday Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in kulan ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya, sida ay KNN u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Nairobika wada kulamo siyaasadeed,kaasi uu ku doonayo in lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo
Siyaasiyiinta Cabdinaasir seeraar iyo xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo horay u sheegtay in ay yihiin madaxwaynaha Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo isna dib lagu doortay kismaayo ayaa mudooyinkii dambe waxaa u dhexeeyay khilaaf xoogan.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kadib doorashadiisii sheegay in uu diyaar yahay in uu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa,waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Beesha caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inaysan aqoosaneen dhamaan doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo, Kaasi oo lagu soo doortay Sedex madaxweyne oo kala ah.
Doorashadii ka dhacday Bishii August magaalada Kismaayo ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay magaaladaasi.


