Somali News

Kenya oo Dhibaato ka geysatay Meel u dhow Mandhera.

Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 20 Qof ayaa ku dhaawacan tahay , sedex gurina waa la gubay, kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay weerar ku qaadeen  Tuulada Daba oo hoostagta magaalada mandhera, Islamarkaana u dhow xuduuda ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa la dagaalanka Argagixisada ah ee ka dhisan Wadanka Kenya,ayaa waxaa ay arbacadii shalay aheyd weerareen tuulada Daba , kadib markii qarax lala eegtay Ciidanka.

Sida laga soo xigtay dadka degaanka, ciidamada ayaa waxaa ay u dhaqaaqeen tuulada uu qaraxa ku  haleelay kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya, iyagoona markii dambe halkaasi ka sameeyay baaritaano.

Intaa kadib ciidanka ayaa waxaa la sheegay in ay jir dil u geystay rag, haweenka iyo dad waayeelo, inta aysan gubin guryaha.

Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay jir dil u geysteen Rag,Haween iyo dad Da’ ah,waxaana uu ku tilmaamay in ay xadgudub ku sameeyeen dad rayid ah.

Sidoo kale Gudooomiyaha ayaa sheegay in tani ay kala fogeynayso ciidamada Kenya iyo dadka shacabka ah, waxaa uuna tilmaamay in hada kadib shacabka ay soo sheegi doonin shabaabka ku sugan Degaanada mandhera.

Al-Shabaab ayaa dhowjeer waxaa ay qarax iyo dagaalo ku qaadaan ciidamada Kenya ee ku sugan Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.