Somali News

Kenya oo dib u dhigtay xukunka raggii loo heystay weerarkii Westgate

Xukunka labo qof oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen weerarkii sanadkii 2013 laguq aaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate Mall, ee magaalada Nairobi, caasimadda Kenya ayaa dib loo dhigay Jimcaha dambe.

Maxkamadda ayaa sheegtay in lagu wargeliyay in eedeysanihii saddexaad ee ay maxkamaddu sii deysay la la`yahay.

Liibaan Cabdullaahi Cumar ayaa waxaa 8-dii bishan afduubtay rag hubeysan, waxaa loo maleynayay inay ahaayeen ciidamada ammaanka Kenya.

Si kastaba, dacwad oogaha dalka Edwin Okello ayaa sheegay inaan wax caddeyn ah loo heyn in booliisku ay afduubteen, isagoo intaas ku daray in baaritaan uu socdo.

Xaakimka sare ayaa ugu baaqay dadka arrintaasi baaraya inay ka gun gaaraan, wuxuu sidoo kale ku boorriyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya inay arrintaasi la wareegaan.