Uncategorized

Kenya oo digniin ujeedisay Muwaadiniinteeda inta lagu gudo jiro Bisha Barakeysan Ramadaan.

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa digniin waxa ay u jeedisay Muwaadiniinteeda Inta lagu Gudo jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya Charles Owino oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In inta lagu Gudo jir Bisha Ramadaan ey dhici karaan weerarro ay soo kooxaha Al-shabaab Iyo Daacish oo ka dagaalama wamada Soomaaliya Iyo Kenya.

“ Awoodda Alshabaab waa mid aan la dhayalsan karin xilli walbana weerar ayaa dhici kara, waan udiyaar garoobeeynaa weeraro inaan ku qaadno kooxaha argagaxisada ah” Sidaa waxaa yiri Charles Owino.

Dhanka kale Owino ayaa Shacabka Kenya ugu laabqaboojiyay in ay wiiqeen awoodda Xarakada, waxa uuna u sheegay in feeyjignaan dheeraad ah ey galaan inta Soonka lagu jiro, eyna si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amaanka Kenya.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu walaac xoogan ka muujiyay Xuduudda udhaxeeysa Soomaaliya Iyo Kenya, halkaa uu kaga digay in ey tagaan dadka Kentyaanka gaar ahaan kuwa aan kasoo jeedin gobolka waqooyi bari Kenya.

“Waxaan uga digeeynaa guud ahaan bulshada in ey heegan ku jiraan, kana foogaadaan goobaha la isugu yimaado, sida Kaniisadaha, Hooteelada, Meelaha basaska laga raaco Iyo Iskuulada” ayuu ku digay Mr Owina.

Xarakada Alshabaab gaar ahaan garabka Al-eyman ee ka dagaalama wadanka Kenya ayaa weerarro Lixaad leh waxa ey ku qaadaan Gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida inta lagu gudo jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.