Uncategorized

Kenya oo duqeymo ka fulisay deegaanka Faxfax-dhuun ee Gedo

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay maanta duqeymo ka fuliyeen deegaano hoosyimaada deegaanka Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa timid kadib markii ciidamada Kenya ay howgal galinkii hore ee maanta ay ka sameeyeen deegaankaas iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo, sidoo kalane duqeymo ay la eegtay goobo fadhiisimo u`ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa duqeeyay sedax xarumood oo fadhiisimo u aheed dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamad Xooga ee gobolkaasi ku sugan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay wadaan baaritaan ay ku xqiijinayaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in aysan faafaahin ka bixin Karin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi ee maanta ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaano ka ag dhow deegaanka Faxfax-dhuun oo u dhow magaalada Baar-dheere ee xarunta gobolka Gedo.