Somali News

Kenya oo gaadiidka rakaabka ah u diiday in dadka Soomaalida ah ay u qaadaan caasimadda Nairobi.

Gaarisa-KNN-Dowladda Kenya ayaa shirkadaha Basaska iyo gaadiidka kale ku shaqeysta waxa ay uga digtay in ay Dadka Soomaalida ah ka caawiyaan safarrada ay ku aadaan caasimadda Kenya ee Nairobi.

Madaxa amaanka ee gobolka Waqooyi bari Kenya Maxamed Brik oo dhawaan la magacaabay ayaa suxufiyiinta ugu sheegay Magaaladda Gaarisa in Dowladdu ay si dhow ula soconeyso shirkadaha leh gawaarida Basaska ah ayna qaadi doonto tilaabooyin ka dhan ah.

Birik ayaa sheegay in Shirkadaha gaadiidku  ay door muhiim ah ka ciyaaraan in Dadka aan wadanka udhalan ee sharci darrada ku soo gala.

“Waxaan dooneynaa in aan fahanno haddii Ajaanibta qaarkood ay yihiin Xubno ka tirsan Al-shabaab” ayuu yiri  Birik.

Masuulkan ugu sarreeya amniga gobolka Woqooyi bari Kenya ayaa sheegay in  Dowladdu ay kordhin doonto baraha wax laga hubiyo, kuwaas oo uu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan in la xaqiijiyo cidda ay yihiin Dadka gawaarida Saaran.