Somali News

Kenya oo gacanta ku dhigtay xubno shabaab ah.

Muqdisho-KNN-Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ku qabtay 2 nin oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Xiriiriyaha Booliska ee gobolkaasi Maxamed Birik ayaa sheegay in labadaasi nin laga soo kala qabtay magaalooyinka Ijara iyo Libio ee maamulka Gaarisa.

Sidoo kale Waxaa  uu sheegay in ay kordhiyeen Baaritaanada ay ka sameynayaan magaalada Gaarisa, si looga hortago Weerarada ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan Dalkaasi.

Xiriiriyaha Booliska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa shaaca la qaaday in Raggaasi ay u gudbiyeen hay’adaha dambi barista, si dabal loogu sameeyo eedeymaha loo heysto.

Saraakiisha Kenya waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan  howlgallada ay ku beegsanayaan shaqsiyaadka lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore lagu xiray dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkood Maxkamad sugayaal ah, halka kuwa kale horay loo maxkamadeeyay.