Somali News

Kenya oo gacanta ku dhingtay ruux Al shabab ka dhacay malaayiin doolar.

Eedeysane Lawrence Kirago, Mugandy ayaa ka hor qirtay boolis-ka Kenya inuu ka dhacay Al shabaab lacag dhan 20Milion oo Shilinka Kenya una dhiganta 181K oo doolarka Mareykanka xili uu kusugnaa Somalia.

 Lawrence Kirago, Mugandy ayaa madax ka ah shirkad sameysa lacagaha been abuurka Dalka Kenya, sida ay warbaahinta Kenya sheegayan Lawrence Kirago, Mugandy waxay booliska qabteen 12 kii Janaayo oo lagu soo eedeyay inuu maamulo Shirkada.

Taliyaha Booliska gobolka Meeru ee Koonfurta Dhaca David Nagundi ayaa sheegay in Mugandy uu Malaayiin lacag kasoo dhacay al shabaab.

Ninkaan ayaa sheegay in tan iyo 2018kii uu joogay Somalia lacagahaasna ay xagiisi kusoo mareen  mid si madax furasho ahaan loogu dhiibay in uu kala soo gambiyay.

Al shabab ayaa dhowr jeer dadka kasoo qafashay Kenya ku qaatay lacago madax furasho ah oo ay ka shaqeeyeen rag Kenyaan ah oo ku ganacsada kala wareejinta lacagta iyo lahaystaha.