Somali News

Kenya oo geystayduqeyn dad rayid ah wax yeello ka soo gaartay

Wararka ka imaanaya  deeganka  dhamase oo hoostaa  dagmada Ceel waaq  ee gobolka gado ayaa sheeagaya  in ciidamada Kenya ay halkaa ka geysteen duqeymo diayaaradeed.

Duqeynta oo aheyd mid culus  sida dadka deegaanka ay sheegayaan ayaa waxaa khasaaro dimasho iyo dhaawacleh iyo burbur hantiyadeed  ay ka soo gaartay dadka deegaanka ku noolaa oo u badnaa  rer mii ah.

Duqeymaha ay fuliyeen  diyaradahaa si ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku nafwyay dad garaya 4 qof  labo ay yihiin haween halka labada kale ay yihiin caruur sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka dhamase.

Cabdiraxman Cabdi Cumar oo kamid ah odayaasha  deegaanka dhamse oo lahadlay idaacada Kulmiye ayaa sidaas noo sheegay, WUxuuna intaa ku daray in deeganka dhamse ay maanta ka jirto xaalad cakiran dadkii ku dhaawacmayna duqeymahasi ay deganka ka fuliyeen diyaradaha ciidamada Kenya lo qaaday dagmada ceelwaaq oo hoosyimada dhamse iyo deegano kale