Somali News

Kenya oo gudaha dalkeeda ka baadi goobaysa madaxii amniyaadka Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalkaasi uu galay Cabdiwaaxid Khaliif Axmed oo loo yaqaano Ciise tarabuun waxayna dadka ka dalbatay in ay booliiska kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan.

Sawir lagu daabacay barta Twitter-ka Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in uu yahay Ciise Tarabuun oo ah muwaadin Soomaaliyeed kaasi oo la rumeysanyahay in uu Kenya tagay 24-kii Bishaan.

“Si deg-deg ah ugu soo war geli Saldhigga Booliiska ee kuugu dhow” ayuu Booliisku u sheegay shacabka Kenya.

Qaraalka uu Booliisku ku daabacay ciwankiisa twitter-ka kuma uusan sheegin sababta loo beegsanayo Ciise Tarabuun iyo in hadii uu ka tirsan yahay Al-shabaab.

“Qofkii arka ama warbixin ka haya waa in uu deg-deg nooga soo wacaa lamabarkeena 999” ayuu sidoo kale Booliiska Kenya shacabka ku wargeliyay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa war uusaaray 19-kii June 2017 waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Amnigu ay soo qabteen C/Waaxid Khaliif Axmed, Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.

Ciise Tarabuun waxaa lagu soo qabtay howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Wasiir Ducaale waxaa uu sheegay in cadaaladda lasoo taago doono Ciise Tarabuun.

Farqi ayaa u dhexeeya magac saxda ah ee Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaaliya ku sheegeen  Ciise tarabuun.

Kenya ayaa magaciisa ku sheegtay Cabdi Waaxid Khaliif Cabdi Ilyas, halka ay Dowlada Soomaaliya magaciisa ku sheegtay C/Waaxid Khaliif Axmed, balse waxay ka mideysanyihiin magaca Ciise Tarabuun.

Hadaba, hadii uu sax yahay warka Kenya waxaa la isweydiinayaa sidee Ciise Tarabuun uga baxsaday gacanta Hey’adaha Amaanka Soomaaliya iyada oo aan cadaladda lasoo taagin?