Somali News

Kenya oo hanjabaad u dirtay Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa digniin culus u diray Maanta dgaaalamayaasha Al-Shabaab iyo shaqsiyaadka la shaqeeya , si adagna ay ula dhaqmi doonaan haddii ay Gacanta ku dhigaan Argagixisada.

Wuxuu intaa ku daray Wasiirku in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saran ilaalinta Dalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayay ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Boliiska iyo Gudddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Xeebta in ay soo xaqiijiyaan Dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen.