Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in hawada laga saaray qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi ee gaarka loo leeyahay, gaar ahaan kuwa leyska arko kuwaas oo lagu eedeeyay inay toos u baahiyeen munaasabada dhaarinta hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kolonso Musyoka oo ka dhaceysa fagaaraha beerta xuriyada ee Uhuru Park.
Boqolaal taageerayaal ah ayaa isugu tagay beerta Uhuru Park, halkaas oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kolonso Musyoka.
Dowlada Kenya ayaa horay isugu yeertay maadaxda warbaahunta dalkaasi kuwaas oo loosheegay inaysan baahin Karin dhaarinta hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa.
TV-yadda Citizen, NTV iyo qaar kale ayaa diiday sida wararka qaar ay tilmaamayaan inay u hogaasamaan amarka dowlada, waxayna ku doodeen in ay muhiim tahay in ay baahiyaan,waxa ay ubaahanyihiin bulshada dalkaasi,isla markaana ay dhax dhaxaad ka yihiin siyaasada dalka.
Dowlada Kenya ayaa wata dadaalo ay ku dooneyso in ay carqaladeyso habsami u socodka dhaarta hogaamiyaha mucaaradka ah Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo na isku gedaamay fagaaraha beerta xuriyada ee Uhuru Park oo ay ka dhaceyso dhaarinta hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee kenya.
Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho.
Sidoo kale Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatay inay wax wadahadal ah la furto isbaheysiga mucaaradka.