Somali News

Kenya oo heegan Buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan xadka ay wadagaan Soomaliya.

Muqdisho-KNN-Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa ka digay weeraro dagaalamayaasha  Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya

Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan xadka Soomaaliya ayaa heegan buuxa la geliyay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ee dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan in ay weeraro gaadmo ay ku qaadaan qaar ka mid ah saldhigyadda Ciidamada Kenya ee xadka Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandera iyo Ceelwaaq.

Saraakiisha Booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada xadka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab ay doonayaan in ay ka fuliyaan Kenya.

Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay sii siyaadisay feejignaanta iyo walaaca ay ka qabto al-shabaab , waxaana ay ciidamo dheeraad ah marba marka kasii dambeysa ay soo dhoobeysaa soohdinta labada dal .

Al Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerar khasaaro badan dhaliyay ay ka fuliyeen deegaano hor leh oo ka tirsan dalka Kenya.