Uncategorized

Kenya oo heegan gelisay Ciidamada ku sugan gobalka NFD.

Muqdisho-KNN-Hay’adda sirdoonka Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan yihiin weeraro ay Al-shabaab u qorsheeyeen in ay ku soo qaadan gobalka ay Kenya maamusho ee NFD iyo magaalooyinka ku yaala xeebta Kenya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in bilooyinkii la soo dhaafay ay ka hortaggeyn weerarro dhowr ah kaddib markii ay xog badan soo gudbiyen hay’addaha ammaanka hadana loo baahan yahay in laga hortago qatarta Al-shabaab.

Saraakiisha xogtaan soo gudbiyay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay jirto cabsi ku aadan weerarro ka dhaca magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya ee dalxiiska ah.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in shabaab ay weeraraan magaalooyinka ku yaala dhinaca xadduuda gaar ahaan degmada Mandheera ee gobalka Kenya haysato ee NFD.

Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada Al-Shabaab.