Somali News

Kenya oo hubaynaysa Xarumaha ganacsiga.

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa waxaa ay bilaabay qorsho ay ku hubeynayso xarumaha Ganacsiga ee Ku yaala dalkaasi, si looga hortago Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Dalkaasi.

Arintan ayaa ka dambeysay Kadib markii ay kordheen digniinada ka soo baxaya saraakiisha  Sirdoonka dalka kenya.

Saraakiisha Sirdoonka kenya ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay Weeraro ay ka fuliyaan magaalooyinka Tirsan Dalka kenya, taasina waxaa ay Cabsi badan ku abuurtay Shacabka ku nool Magaalooyinka Nairobi, Mambaasa, Lamu Gaarisa iyo meelo kale.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor ciidamo ka tirsan Kenya lagu qarxiyay Magaalada Xeebeedka Laamu ee dalka Kenya, iyadoona kadib ay xigtay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab. Mar ay saraakiisha la hadleen warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in halkaasi xubno ka tirsan  Al-Shabaab ay ku dileen.