Somali News

Kenya oo Isbitaaladda ugu Digtay in ay Daaweeyaan dhaawacyadda Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Hay’adaha  Amaanka Kenya ee beegsanaya Dagaalamayaasha Al-shabaab ee lasheegay in ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah Isniintii ayaa Cusbitaaladda Lamu, Tana riva iyo Garissa waxay uga digeen in ay daweeyaan Shaqsiyaadka ay ku yaalaan dhaawaca rasaasta.

Isniintii Ciidanka Militariga Kenya ayaa Weerar waxay ku qaadeen Dagaalamaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan deegaanka Tixsiile oo ku yaala bartama kaynta Booni waxayna Ciidanku sheegeen in ay halkaas ku dileen 10 Dagaalame oo Al-shabaab ka tirsan kuwo kalena ay ka baxsadeen iyagoo dhaawac ah.

Intii uu Socday Dagaalkii Isniintii, Sedax Askari ayey sheegen Saraakiisha Kenya in ay ka dhaawacmeen.

Agaasimaha Howlgalka Booni Joseph Kanyiri ayaa shegay in Ciidanka Howlgalka ku jira ay feejignaan dheeri ah galeen. Wuxuuna xarumaha caafimaadka u sheegay in ay sheegaan shaqsiyaadka ay ku yaalaa dhawacyadda rasaasta ee Dawada raadinaya.

“Xarumaha Caafimaadku waa in ay hubiyaan qalabka dawadda iyo Sharootooyinka ku dambeeyn kara Gacmaha Cadowga. Waxaa ay aadayaan xarumaha gaarka ah iyo kuwa danta guud” ayuu yiri Kanyiri.

Al-shabaab oo dhankooda Warka soosaaray Dagaalkii Isniintii ay ciidanka Kenya kula galeen Tixsiile ayaa waxaa ay sheegeen in ah Dileen 10 Askari oo ka tirsan militariga Kenya kuwo kalena ay nolosha ku wateen.

Howlgalka Booni ka socda waxaa uu qaatay sanado, walina ciidanka Kenya libin muuqata kama garin Garabka Al-shabaab ee Degan lamu.