Somali News

Kenya oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo kasoo baxay dawladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Kenya ay ka baxday heshiis ay kala saxiixdeen dawladda somaaliya, kaas oo ahaa in diyaaradaha rakaabka sida ee ka baxa magaalada Muqdisho ay  si toos ah uga dagaan Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Laanta duulista hawada ee dalka Kenya oo qoraalkan soo saartay ayaa sidoo kale waxa ay la wadaagto Hay’adaha  kala gedisan oo ay xiriir la samaysay waxaa ka mid ah goobahaas ay la wadaagtay dawladda soomaaliya .

Waxaa ay sheegtay dowladda Kenya ay diyaradaha rakaabka ay ka degi doonaan Magaalada Wajeer, islamarkaana kadib ay tagi doonaan Magaalada Nairobi.

Dhanka kale Dawladda somaaliya ayaa waxa ay ka  hadashay arintan ka noqoshada heshiiska duulimaadka ee ay joojisay Kenya, waxaana ay sheegtay inay arintan baaritaan ku sameyn  doonaan sababta ka dambaysa, ayna dib wada hadal ula geli doonaan sida uu sheegay wasiirka wasaarada duulista hawada dawlada soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Halkan ka dhageyso Codka.