Uncategorized

Kenya oo ka baxday deegaanka Tarako ee gobalka Gado iyo Al-Shabaab oo qabsaday.

Baardheere-KNN-Ciidamada Milatariga Dowladda Kenya ayaa ka baxay deegaanka Tarako oo ku yaalo duleedka degmada Baardheere Gobalka Gado halkaas oo ay daganaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Shalay Gilinkii danbe ay baneeyeen Ciidanka AMISOM deegaanka Tarako waxaana durba deegaankaasi qabsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegay in si nabad galyo ah ay u qabsadeen deegaankaasi kadib markii ay baneeyeen Ciidanka Kenya kuwaas oo u ruqaansaday dhinaca iyo Xadduuda Kenya.

Milatariga Kenya ayaa hore uga baxay Gudaha Degmada Baardheere ee gobaka Gado waxaana gaaray Ciidan kale oo dheeraad ah kuwaas oo ka socda Itoobiya.

Lama oga waxa uu salka ku haayo faarujinta Milatariga Kenya degmada Baardheere ee gobalka Gado, balse waxa ay arintaan ku soo beegmaysaa iyadoo Al-Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ay ku qaadayaan Gudaha Kenya gaar ahaan deegaanada u dhaw Xadduuda Soomaaliya.